Muqdisho, 25, Luulyo 2024:- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimmadda uu u leeyahay Xukuumadda.

Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda DanQaran ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka, iyada oo adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dardargelinta Guddi hoosaadyadda heer Farsame iyo heer Wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 12 peopleMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 12 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, beard, studying and suitMay be an image of 9 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here