May be an image of 3 people and the Oval Office
Wararka laga helaayo Dalka Turkey ayaa sheegaya in Kulan xasaasi ah uu dhexmaray Wasiirada Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur iyo Turkey Yaşar Güler.
Kulankaan oo sidoo kale uu goob joog ka ahaa Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga  Alparslan Bayraktar ayaa looga hadlay xiririirka labada dal ,xiisada Somalia iyo Xabashida iyo heshiisyadii hore u galeen Somalia iyo Turkey.
Sidoo kale Wasiir C/qaadir ayaa la wadaagay dhigiisa Turkey halka ay marayaaan dagaalada Milatariga Somalia uu kula jiro kooxda Alshabaab iyo meelaha wax marayaan.
“Waxaan xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Türkiye kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggeyga Mudane Yasar Güler iyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga, Mudane Alparslan Bayraktar”ayuu yiri Wasiir C/qaadir
Wuxuu xusay inuu kala hadlay horumarinta arimaha Difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee labada dal ee walaalaha ah ee Türkiye iyo Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiiradaan waxay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tamarta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, the Brandenburg Gate and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here