Wasiir Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay Madaxa COP29 Danjire Iskandanov, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay waddooyinka lagu gaari karo guusha hannaanka socda iyagoo mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ah in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro heshiisyo macno leh oo dhammaan bulshada saameeya.
Kulankan waxa uu qeyb ka yahay ajandayaasha muhiimka ah sida Hadafka Cusub ee Isku dhafan (NCQG) isbeddelka caddaaladda ku saleysan iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay martigalinta #COP29 ka Dowladd ahaan Azerbaijan soo dhoweyntooda diirran iyo qabanqaabada heerka sare ee #COP29.
Advertisement