ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa gaaray Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya isagoona la kulmay masuuliyiin dalkaasi ka tirsan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiir Hakan Fidan uu Dowlada Itoobiya kala hadlayo heshiiskii sharci darada ahaa ee ay bilowgii sanadkaan la galen Maamulka Somaliland kaasoo abuurey khilaaf soo kala dhex-galay labada dal ee Somalia iyo Itoobiya.

Advertisement

Wasiirka Turkey ka socday wuxuu kulan gaara la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuuna kala hadlay xurgufta kala dhexeysa Somalia,waxa keenay iyo sida lagu xalin karo taasoo ah ujeedkii Wasiirka Turkey u tagay Dalka Itoobiya.

Dawladda Turkiga  ayaa cadeysay in kulankaani qayb ka yahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya kadib xad-gudubkii Itoobiya ku soo sameysay midnimada dhuleed ee Somalia.

Sidoo kale war ka soo baxay dhanka Itoobiya ayaa sidoo kale ay ku sheegeen in Turkey ay isla soo qaadeen arimo ku saabsan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Abiy iyo Fidan

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here