Qoraal goor dhaw uu baraha bulshada soo dhigay Wasiir ku xigeenka Maaliyada Somalia C/qafar Hange ayuu ku shaaciyay Malaayijn Doolar oo Dowladu siisay Maamulka Puntland.

Wasiir Hange ayaa xusay in lacagahaan oo lagu kabayo dhaqaalaha Puntland uu codsaday Madaxweyna Maamulkaasj Saciid C/llaahi Dani.

Advertisement

Hadaba si aad u ogaato tirada lacagta iyo faah faahinta halkaan ka akhri warbixinta Wasiir Hange oo sideeda u qoran:-

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay ( fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed. Waxayna kala tahay sidaan soo socota:

2dii Julay 2024 waxaan wareejinay $1,353,000,

3 July 2024, waxaan bixinay $3,500,000

Lacagaha kale ee wakhtiyo kala duwan la wareejiyay waa 1,495,826.

Wadarta lacagahaas waa $6,348,826 waana kab miisaaniyadeed ( budget support) oo si toos ah loo gaar siiyay khasnadda Dawladda Puntland.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka ( cash) toos loogu soo shubo islamatkaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here