HomeWarkiiWasiir Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiir Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray sidii wax looga qaban lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.

Ugu horreyn, Agaasimaha Hubinta Tayada Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Cabdikariin Xasan Daahir, ayaa soo dhoweeyey madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Madaxa hay’adda UNDP, Mr. Lionel Lourense, ayaa sheegay in UNDP iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka dhaxayso wada shaqayn dhow, loona baahan yahay in la dardar geliyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida waddooyinka, buundooyinka iyo magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta DFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo soo xiray kulanka, ayaa bogaadiyey soo jeedimaha iyo aragtiyaha laga soo bandhigay, Waxa uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta iyo hirgelinta qorshayaashaas muhiimka ah.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -