MARKA (DAYNIILE.COM)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Ibraahim Aadam Cali ayaa booqday Magaalo xeebeedka Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Booqashada Wasiirka ayaa ku soo aadeysa xili Magaaladaasi iyo duleedyadeeda ay maalmihii ugu dambeeyay howlgalo amni ka wadeen Milatariga Somalia iyo kuwa Atmis oo iskaashanaya.

Advertisement

War qoraala oo lagu soo qorey barta facebook ee Atmis ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadooda gaar ahaan kuwa Uganda iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah roondo uga sameeyay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay intaasi ku dareen in looga dan lahaa si  ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah & kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed, Ibraahim Aadam Cali, isna wuxuu ku amaanay  ciidamada iskaashanaya sida ay gacan uga geysteen dib u furitaanka iskuullada gobolka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 8 people and helicopterMay be an image of 7 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here