BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si kulul uga hadlay xiisada ka jirta Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland kadib maantana markii uu garoonkaasi u xirmay hanjabaada ka soo yeereysa ciidamada PSF.

Wasiir Ceydiid wuxuu ku hanjabay inaanay Boosaaso ka wada talin doonin laba Dowlad Goboleed xili uu carabka ku adkeeyay in Dowlda uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Dani ay Maadheej u heysato inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntlad oo dhan.

Advertisement

“hal Dowlad oo kaliya ayaa ka jirta Puntland mana aqbali karno qolo kale , waxaan leenahay cidii cabasha qabta sharciga ha i marto xalinta tabashadooda”ayuu yiri Wasiir Caydiid

Sidoo kale wasiirka wuxuu si kulul u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hor timaada madaxda maamulka Puntland oo si sharci ah loo doortay inkastoo ciidamada PSF laftigooda puntland ka tirsan yihiin balse ay ku kacsan yihiin madaxda Maamulka Puntland.

Xiisada u dhexeysa labada dhinac ayaa cirka isku sii shareertay markii maanta mar kale garoonka uu xirmay cabsi laga qabto ciidamada Puntland Security Force (PSF) oo ku andacoonaya in garoonka loo diiday inay isticmaalaan sidaas daraadeed ay xirayaan isaga dhanba hadaan garoonka loo sineyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here