Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dawlada Puntland Mudane Liban Muse Boqor ayaa daah furay shirka daarasada iyo xog ururinta nidaamka korontada magaalada Bosaso, daarasadaas oo ay qabanayso shirkada KATCHON & HOROZON, uuna maal gelinayo Bankiga Horomarinta Afrika , daarasadan ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo hor marin lahaa hanaanka korontada magaalada oo ah runtii magaalo muhiim u ah dhaqaalaha guud ahaan deegaanada Puntland ayna ka jirto caqabada korontada xiliyada kulaylaha.
Wasiirka ayaa xusay muhiimada horomarinta hanaanka korontada deegaanada Puntland iyo qorshaha wasaarada ee ku aadan dar dar gelinta mashaariicda gundhiga u ah taaba gelinta qorshaha helitaanka koronto ku filan dadka lana awoodi karo isla markaana ka qayb qaadan karta isbedelka dhaqan dhaqaalaha deegaanada Puntland oo ay Bosaso mudnaanteeda leedahay.
Shrikan oo ay si wada jir ah u qabteen wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha iyo shirkada samaynaysa daraasadan ayaa ugu horayn waxa sharaxaad kooban ka bixiyey shaqada Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Eng Ismail Mohamed Hassan isagoo ku dheeraaday muhiimada ay degmada Bosaso ugu leedahay helida koronto ku filan oo la awoodi karo taasoo ah mid ka mid ah yoolasha ugu mudan ee wasaaradu leedahay.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane A.rizaak Shaah doon, Maayarka magaalada Bosaso mudane A.fatah shanle Maareeyaha Wakaalada Horomarinta Tamarta, Puntland Mudane Guled Abshir, iyo Garaad Muuse oo ku hadlay afka bulshada iyo dhaqanka.
Dhamaan masuuliyiintan oo ka ku dheeraaday sida ay lagama maar maan u tahay in laga wada shaqeeyo taaba gelinta nidaamka daraasada korontada Bosaso, taasoo qayb weyn ka qaadan kart axal u helida caqabada koronto ee magaalada, kana qayb qaadan karta abuurida wershadaha yar yar oo qayb ka noqon kara yaranta shaqa la’aan dhalinyarada iyo kor u qaadista wax soo saarka dalka.
Dhanka kale waxa shirkan kasoo qayb galay shirkadaha bixiya adeega korontada magaalada Bosaso oo dhamaan tood soo dhoweeyey daraasada Iyagoo dhankooda balan qaaday in ey la shaqayn doonaan shirkada samaynaysa daraasada.
=XIGASHO PUNTLAND TV=
Advertisement