No photo description available.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad Gpoboleedka  Galmudug Cumar Shide  ayaa maanmta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.
Qoraalka uu Wasiirku isku casilay ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is Casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galamudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor. anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay Shacabka Reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen”

Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin.

Sidaas owgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.
Wabillaahi Towfiiq
Cumar Shido
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here