NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badaha Dalka Kenya Cali Xasan Joho oo isla xisaabtan lagu sameeyay ayaa cadeeyay in hantidiisu dhan tahay 2.3 Bilyan oo Kenya Many ah taasoo doolar ahaan ku dhaw $25 milyan.

Advertisement

Hantidaas mar uu sharaxayay wuxuu tilmaamay inay ka kooban tahay ganacsiyo sida guriyo , shirkad bixisa adeegyada tasiilaadka, lacago caddaan ah oo u kaydsan iyo saamigiisa shirkadaha maalgashiga.

Siyaasigaan oo sidoo kale mar soo noqday Barasaabkii Magaalo Xeebeedka Mombasa ayaa xusay inuu xoogga saari doono waajibadkiisa shaqo ee uu Madaxweynuhu u doortay,sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isticmaalka baraha bulshada oo eed kaga tmid.

Wasiir Joha wuxuu Baarlamaanka kaga jawabay su’aal ku saabsaneyd inuu barta Tiktok ku muujiyay hantidiisa isagoo ku faanaya wuxuuna tilmaamay wuxuu u kala saaray adeegsiga hantidiisa mar uu shacabka u adeegayo iyo mar uu iyo xilliyada isaga gaarka u ah ee uu muujin karo farxaddiisa nololeed.

Sidoo kale Wasiir Cali Xasan Joho wuxuu wareysiga isla xisaabtanka uu ku xusay in isaga iyo qoyskiisaba aynan ganacsi la sameyn dowladda.

Mar xildhibaanadu wax ka weydiiyeen madaama uu ka mid ahaa mucaaradka Madaxweyne Ruto inuu hada diyaar u yahay inuu la shaqeeyo ayaa carabka ku adkeeyay inmadaama fursad loo siiyay inuu qaranka u adeego uu xaqiijin doono inuu is badal la yimaado islamarkaana uu madaxweynaha si fiican ula shaqeyn doono.

“aniga iyo madaxweyne William Ruto waxaan ku qasbanahay inaan qarankeena u adeegno si hufan”ayuu yiri wasiir Joha

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here