Dhawaan Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubaland ayaa meel mariyay wax ka badalka dastuurka maamulkaasi kaasoo qaarkiis uu dhigaayay in Madaxweyne laba jeer ka badan uusan doorashada isa soo sharixi karin macnaha xilka laba jeer ka badan qaban karin iyagoona u badalay mid furan.

Axmed Madoobe oo lagu xantay in mooshinkaasi wax ka badalka dastuurka uu isaga watay si uu mar kale isu soo sharaxo ayaa dhanka kale isku diyaarinaya doorashada.

Advertisement

Wasiir ku xigeen wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Maamulka Jubaland Bishaar Aadan oo ka qeyb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ayaa sheegay in bisha Novenber ee sanadkaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha ee jubaland inkastoo uu dhowr mar ka meer meeray mar la weydiiyay.

“wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu wuu socdaa madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso sidaas ayuuna qorshuhu yahay”.ayuu yiri wasiirka

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here