Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bini’aadanimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kordhinta Mashaariicda barnaamijyada ilaalinta bulshada(Social Protection), kor u-qaadista fursadaha shaqo abuurka iyo xirfadaha farsamada gacanta.
Kulankan ayaa wasiirka waxaa ku wehliyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah la-taliyaasha Wasaaradda shqada iyo Arrimaha Bulshada.
Advertisement