WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Wasiira Amniga Maamulka Koofur-galbeed Xasan C/qaadir Maxamed ayaa ka hadlay oo sharaxaad ka bixiyay ciidamo Booliis ah kana tirsan maamulkooda oo tababar uu uga bilowday Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirka wuxuu xusay in boqollaal ka mid ah ciidamo gaar ah oo booliis ah Maamulka K/galbed gaar ahaan kuwa gobolka Sh. Hoose loo billaabay tababar ciidan kaasoo lagu xaqiijinayo tayada ciidamada.

Advertisement

Ciidamada ayaa tababarka askarnimo kadib waxaa qorshuhu yahay in sidoo kale la baro oo loo diyaariyo inay ka shaqeeyaan amniga Gobolka iyo habka loo maareeyo marka xasarado ama colaadi ay bulshada soo dhex gasho iyo turxaan bixinta khilaafaadka.

“ayaa-mahaan danbaba waxaan wadnay in ciidanka Booliiska gaarka ah xirfadahooda kor loo qaado, degmooyinka aan tagno,marka waxay qeyb ka tahay tababaradii,dadaaladii ayaamahaan danbe wasaarada amnigu K/galbeed ay waday ayuu qeyb ka yahay,waxaana maanta joognaa Degmada Wala-weyn”ayuu yiri

Wasiirka mar uu ka hadlaayay meelaha tababarada lagu qabtay wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in dhamaan degmooyinka Koonfur-Galbeed  ay ka fuliyaan tababaradaani booliiska gaar ah la siinayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here