Waxaa sii xoogeysanaya wararkii sheegayay in Dowlada Turkey wada hadal siineyso Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si looga wada xaajoodo muranka ka dhashay is afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland kaasoo u ogalaanaya Itoobiya inay kireysato Badda Somalia.
Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa u safray dalka Turkey waxana la sheegay inay Ankra isku arki doonaan dhigiisa Dalka Itoobiya iyadoo Turkigu uu soo qaban qaabiyay.
Wararka arintaani xoojinaya ayaa sheegaya in Dowlada Turkey ay ku cadaadisay Dowlada Somalia inay la fadhiisato Itoobiya xili Dowlada Somalia hore u sheegtay ineysan marna wax wada-hadal ah la galeyn Itoobiya ilaa iyo inta ka laabaneyso heshiiskii beenaadkii ay la galeen Maamulka Somaliland.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa dhawaan shaacisay inay ka go’an tahay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasna ay tahay lama taabtaan.
Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan
Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan Ankara wuxuu kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan kaasoo la sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inay doonayan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka kala dhexeeya dariskooda Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM