
Axmed Macalin Fiqi oo qoraal uu arintaasi ka hadlayo soo dhigat bartiisa baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
Ololaha Garab-istaagga ciidamada qaranka Soomaaliyeed oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay bilowday maantay, munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
Nabadda iyo xasiloonida lagu shaqaynayo waxaa duurka ugu jira wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo naftooda u huraya, sidaas awgeed waxaa waajib ku ah inta harka iyo nabadda ku jirta in ay garab istaagga iyo taakulaynta ciidamadeena ay ka qeybqaataan.
Waa mahadsan yihiin madaxda iyo hawlwadeenada wasaaradda oo Hormuud u noqday waajibkan qaran.













