Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa baraha bulshada ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee maanta wada-jirka shirka jaraa’id ugu qabtay Muqdisho kuwaasoo kala ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed iyo Xildhibaanada kala ah C/raxmaan C/shukuur Warsame iyo Pro.Cabdi Ismaaciil Samatar.
Siyaasiyiintaan mucaaradka ayaa shirkooda maanta waxay dhaliil ugu soo jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh gaar ahaan heshiiskii uu la galay Abiyi Axmed.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran:-
Barlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.!
Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon).
Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!.
Doorasho hala isku diyaariyo war kale dalkaan Kama furnee, xisbiyadana boorka halaga Jafo.
May be an image of 3 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here