Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu hanjabay Nageeye,Gamadiid iyo kuwa la midka ah ee dhawaan Alshabaab ku biirey in la marsiin doono meeshii la marsiiyay kuwii iyaga ka horeeyay ee ku baxay gacanta ciidamada Dowlada ama duqeymaha diyaaradaha.
Wasiirka oo baraha bulshada soo dhigay fariin ku socotaa Nageeye,Gamadiid iyo kuwa la midka ah halkaan ka akhriso:-
Wiilashaan iyo kuwa kale oo noocooda ah waa soo lumeen oo waxaa isaga qaldantay geeraarkii yaraa ee ay tirin jireen iyo goobaha dagaalka.
Waa hubaa in la marsiin doono Meeshii la marsiiyey kuwii ayaga ka soo horeeyey ee camalkooda xumi uu halaagay, balse waxa ay murugo uga tagayaan ehelkooda iyo caruurtooda, kooxda argagixisaduna waxaan ahayn haadkaa cuney hilbahoodii ma soo qori doonaan.
Xubnahan cusub ee argagixisadu waxa ay ku jiraan waqtiga loo yaqaano “tijaabo bixinta” (argagixisaduna u taqaan tamxiiska), waana marxalad la marsiiyo qofka Laga shakiyo ujeedkiisa uu kooxda ugu soo biirey ama looga shakiyo inuu yahay basaas, waxaana loo diraa ruuxaas furimaha hore.
Fiicnaan lahaydaa in ay aqriyaan qormadii uu qoray Argagixiyihii weynaa Ibraahim Afghan ee uu Cinwaanka uga dhigay “ anigu waxaan ahay Digaha Muuqda” ee uu uga cabanayey habdhaqankii xumaa ee wiilka ay isku magaalada ka yimaadeen ee Axmed Godane, kaasoo markii danbana uu gacantiisa ku baxay! Asagiina waqti dheer Kama dambayn!


