Muqdisho, June 19, 2024 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, isagoo faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-socod sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here