Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay nabada iyo daara dhisida balaaran ee ka jirta Caasimada dalka ee Muqdisho isagoona sababtana ku daray.
Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa sidan u qornaa:-
Caasimadda Muqdisho iyo umadda ku dhaqanba waxay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, waxaana sabab u ah Khawaarijta oo lala dagaalamay iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyey!
La yaab weyn ayay nooqnaysaa haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaas.
Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaabaa! Tani mid soconaysa ma ahan oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.! Waa Laga nastey hubkii, dadku horumar iyo dawladnimo ayay rabaan.
Advertisement