MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay war dhawaan ka soo baxay C/saciid Muuse Cali La-taliyahii amniga Qaranka ee madaxweynihii hore maxamed C/laahi Farmaajo kaasoo ahaa Dowladu hadii aysan Itoobiya meel iska saari karin Alshabaab dalka ha u baneyso.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa oo ka hadlayay arintaan ayaa xusay warkaasi yahay mid muujinaya u tanaasulid kooxaha xag-jirka ah sida Al-shabaab.
“anigoo ixtiraamaya xoriyatul qowlka hadana waxaan leeyahay warka C/casiis ka soo baxay waa mid wax iska caadi ka dhigaya fikradaha xagjirka Alshabaab oo kale mana ah mid la aqbali karo”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo barta X soo dhigay qoraal.
Hadalka la taliyihii hore ayaa keenay in maalmihii ugu danbeeyay ay baraha bulshada qabsato islamarkaana siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen warkaasi mid aasay rajadii ugu dambeysay oo Farmaajo uu ka lahaa in dib loo soo doorto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here