MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa jawab culus ka bixiyay hadalkii maanta uu baraha bulshada ku soo qorey Faysal Cali Waraabe oo ka mida siyaasiyiinta reer Somaliland.
Faysal ayaa maanta si toos ah u taageeray kooxda Alshabaab sidii horaba loogu yaqaanay isagoona bogaadiyay guulaha alshabaab ay mararka qaar dagaalada ka gaarayaan.
Axmed Macalin Fiqi wuxuiu soo jeediyay in Faysal Cali Waraabe la geliyaa liiska argagaxisada islamarjaana la soo taago maxkamad.
“Waa garaad xumi hadalka uu ku hadaaqay, horay ayuu caruurtiisii ugu biiriyey ISIS Daacish” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka in Faysal laftigiisu uu si toos ah ugu biiray kooxda Alshabaab.
“hore caruurtiisa ayuu daacish ugu daray haddana asagii ayaa Kooxda argagixisada Alshabaab ku mid noqday sidii ay ugu biireen kuwa isaga ka soo horeeyey”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM