Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta la kulmay Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta taageerada QM ee Hay’adaha amniga dalka iyo bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS oo la qorshaynayo dhammaadka sanadkaan.

Wasiirka iyo Wakiilka, ayaa si gaar ah kulankooda diirrada ugu saaray muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan dhinacyada amniga Muqdisho, Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah (JPP) iyo guud ahaan amniga Soomaaliya.
May be an image of 4 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and people studying
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here