Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hannaanka loo marayo (ka mid noqoshada) xubinnimada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare, sida ay ku caddeeyeen Bayaan ay soo saareen.

Fursaddan ayaa lagu sheegay inay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee Sida ku cad faafinta Wasaaradda, shuruudaha xubinnimada waxaa ka mid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo, iyo cilmibaarisyo hore.

Advertisement

Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare, gaar ahaan Qodobka 12aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiyada la xareyn karo illaa 30ka Janaayo 2025, iyadoo ay Wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here