BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Qarax miino oo ka dhacay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo ayaa la soo sheegayaa inuu ku  dhaawacma Gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Degmadaasi kaasoo markii danbe u geeriyooday dahawaca.
Qaraxa oo shalay dhacay  ayaa lala eegtay gaari lagu waday Gudoomiye xigeenka oo lagu magacaabi jirey Cabdifataax Nuur Mataan xili ciidamo iyo masuuliyiin kalana ay ku wehliyeen gaadiidka masuulkaani lagu galbinayay.
Masuulkaani oo qaraxa shalay uu ka soo gaaray dhaawac ayaa diyaarad qaasa lagu soo qaaday waxaana la keenay Isbitaalada Muqdisho halkaasoo ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday.
Gudoomiye xigeenka Rabi ha u naxariistee isaga iyo dadka la socdayba waxay ka yimaadeen shalay oo ay soo booqdeen garoonka diyaaradaha ee degmada Balad-Xaawo kaasoo dhisme uu ka socdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here