Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, mudane Hassan Moallin iyo agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta, Ms. Marina Walter, oo booqasho ku timid dalka ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta xariirka iyo wadashaqeynta, fulinta mashaariicda ay ka wada-shaqeeyaan labada dhinac, dhaameystirka Dastuurka iyo baahinta adeegyada cadaaladda.

Ms. Marina Walter oo wasiir Xasan uga mahadcelisay qaabilaadda heerkeedu sarreeyo, ayaa hey’adaha u xilsaaran arrimaha dib-u-eegista dastuurka ku bogaadisay horumarrada laga sameeyay geedi-socodka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Faysal Aadan, Madaxa xafiiska UNDP Soomaaliya, Lionel Laurens iyo saraakiil sare oo ka tisan xafiiska UNDP Soomaaliya, ayaa ku dhamaaday is-afgarad.
May be an image of 6 people, newsroom and textMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 9 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 3 people, suit and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here