Muqdisho, 23 December 2024: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Ambassador Abdalla Al Otaibi.

Wasiirka iyo Wakiilka ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga dhanka warbaahinta iyo dhaqanka ee labada dhinac iyadoo sidoo kale kulanka lagu gorfeeyay dib u soo nooleynta barnaamijyada xoojinta Afka Carabiga.
Wakiilka Jaamacadda Carabta Amb. Otaibi ayaa sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta uu muhiimad gaar ah siinayo barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here