Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah.
Wasiirka oo la hadlayay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in bulshada u baahan tahay in dib loogu celiyo awoodda codeynta.
“Siyaasiga qeylinaya oo qof kale soo kireystay dan idiinma hayo, doorasho qof iyo cod ah aan galno, kii idiin fiicana doorta” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka dalka ay ku dhawaaqeen in ay billaawdeen howlaha doorashada, marka u horreysana la diiwaan galinayo Xisbiyada, wixii ka dambeeyana ay tagi doonaan goobaha Codeynta oo gaaraya 300 goob.