Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern ayaa kala hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Dankiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
May be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here