whitebackground600
HomeWarkiiWasiir Biixi oo dhigiisa Dalka Kuweyt kulan la qaatay+SAWIRRO

Wasiir Biixi oo dhigiisa Dalka Kuweyt kulan la qaatay+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.
Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Abdullahi Mohamed Shiekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.
Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadey sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageeradeeda taariikhiga ah ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya, waxaa kale oo uu balan qaaday in ay xoojinayaaan xiriirka wadashaqeyneed ee ay Dowladda Kuwait la leedahay Dowladda Soomaaliya si loo kobciyo dhaqaalaha iyo qorshe yaasha maalgalineed ee u dagsan Dowladda Soomaaliya.May be an image of 2 people, dais and text that says ".. 焼"May be an image of 6 people, dais and text that says "E Amm ් 小島"May be an image of 2 people, newsroom, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -