MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Wasiirka arimaha Dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sidii loo xaliyay khilaakii soo kala dhex galay Dowlada  Somalia iyo deriska Itoobiya.

Wasiirka wuxuu sheegay Somalia u guuleysatay diblomaasiyad ahaan islamarkaaana guushaas lagu gaaray wada-hadalka ay Somalia ogolaatay madaama ay hantida Somalida lagu soo xad-gudbay.

Advertisement

“Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay.” Wasiir ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi .

Wasiirka wuxuu soo hadal qaaday muhiimada diblomaasiyada iyo wada-hadalka ay u lahayd Somalia taasoo ugu danbeyn  guulweyn laga soo hooyayay islamarkana ay Somalia ku guuleysatay hadafkeeda.

“hadaan aan la wada hadlin sideen u guuleysan lahan, hada Somalia way ka guuleysatay Itoobiya wayna ka nafistay , hada sanadka cusub waxaan u guda galeynaa shaqooyinka na hor yaal kiiskaas Itoobiya nagala dhexeeyay wuxuu ku soo dhamaaday Soomaaliya sidey rabtay”ayuu mar kale yiri wasiirka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here