Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in uu socdo wadahadal farsamo oo looga hadlayo sidii loo saldhigi lahaa ciidamada ka imaanaya Masar & Itoobiya si ay qayb uga noqdaan AUSSOM.

Axmed Macallim Fiqi ayaa qiray in si rasmi ah ay u codsadeen labadaan Dowlad ku biirista howlgalkaan isla markaana Dowladda Federaalka ay saldhigeyso sidii muddo saddex bil ah gudahood loo keeni lahaa gudaha Soomaaliya.

Advertisement

Fiqi ayaa tilmaamtay in Itoobiya meel iska dhigtay heshiiskii xadgudubka ahaa, wadahadalka labada dhinac ee Ankara, Muqdisho iyo Addis Ababa ku dhexmaray ayuu sheegay in ay hoos u dhigeen xaaladdii gilgishay Geeska Afrika.

Ciidamada Masar & Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM waxaa socda wadahadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonnaan, Xafiiska Nabadda & Ammaanka ayay codsi u gudbisteen, wixii farsamo hadda farsamadeeda way socotaa, Itoobiya sidii hore ciidamo ah meesha ma joogaan, shardigii Dowladda ay ku xireysayna ma jiro oo xiligii loo qabtay kahor ayay ka laabteen” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay halka askarta howlgalkaan qaybta ka ah ay si toos ah ula howlgali doonnaan ciidamada Dowladda Federaalka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here