Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2024.
Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa sidan u qorna:-
Wasaaradda Waxbarashada XFS waxaa u qabsoomay Sannadkii 2024 waxyaabo badan qorshaha qaranka kamid ahaa, waxaana ugu waaweynaa.
1. 3,000 oo Macallin ayaa markale la shaqaaleysiiyey.
2. 3,000 oo gabdhood ayaa deeq waxbarasho la siiyey.
3. Sharciga Tacliinta Sare ee Dalka ayaa markii ugu horreysay la sameeyey lana ansixiyey.
4.Sannadka aasaasiga ee Jaamacadda ayaa la dhaqan galiyey.
5.Ardayda u dhalatay Dalka aan walaalaha naha ee Sudan ayaa deeq waxbarasho la siiyey.
6.Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa la gaarsiiyey goobo uuna gaarin wixii ka dambeeyey burburkii dowladda dhexe waxaana kamid goobahaas SSC Khaatumo iyo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.
7.250 arday ayaa la siiyey deeq waxbarasho oo gudaha Dalka ah.
8.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa 35 sano kaddib lagu qabtay Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo looga hadlay dibudhiska ummadda Soomaaliyeed.May be a graphic of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here