Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Osman Naastaro, ayaa maanta Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.

Wasiiru-dowlaha  Wasaaradda Qoyska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qalabkaan ku wareejiyey Hay’adda Naafada Qaranka si loogu taageero dadka u baahan.

Advertisement

May be an image of 9 people and dais

Sidoo kale, Munaasabaddaan ayaa ka qabsoontay xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyada oo ay Hay’adda Naafada Qaranka ku qaybisay 63 kuraasta dadka naafada ah, 20 usha lagu boodo, iyo 20 usha socodka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa u mahadceliyay hay’adda King Salman, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay dadaallada noocan ah ee lagu daboolayo baahiyaha dadka naafada ah, loogana shaqeynayo in ay si buuxda u dhexgalaan bulshada.

May be an image of 7 people and hospital

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mohamed Abdul Jamac, Safiirka Boqortooyada Sacuudiga, Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid, iyo Madaxa UNDP, Lionel Laurens; isaga oo Wasiiru-dowlaha sheegay in Wasaaraddu ka go’an tahay horumarinta xuquuqda iyo nolosha dhammaan muwaadiniinta, gaar ahaan dadka nugul.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here