Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa maanta ku dhawaaqday in lasoo gaba gabeeyay wareegga koowaad ee barnaamijka Leyli Caafimaad oo ay ka faa’iideysteen arday Soomaaliyeed, kaasi oo xiritaankiisa ardaydii ka qeybgashay looga qaaday imtixaan lagu ogaanayo waxyaabihii ay ka faa’iideen.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ka qeybgalay barnaamijka Leyli Caafimaadka, isagoo ku amaanay dadalkooda iyo sida ay uga go’antahay inay kor u qaadaan xirfadooda caafimaad.

Barnaamijka Leyli Caafimaad waxaa uu saldhig u yahay horumarinta xirfadaha Caafimaad ee ardayda Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah tayeeynta shaqaalaha Caafimaadka dalka , iyagoo Wasaaraddu uga mahadcelisay dhammaan hey’adaha iyo goobaha caafimaad ee ka qeyb qaatay tababarka.May be an image of 9 people and hospitalMay be an image of 8 people, people studying and hospitalMay be an image of 9 people and hospitalMay be an image of 5 people, hospital and textMay be an image of 4 people, people studying, table, hospital and textMay be an image of 7 people, people studying and tableMay be an image of 2 people, hospital and textMay be an image of 2 people, hospital and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here