WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa la soo sheegayaa in la gaarsiiyay xeer qeexaya suurtagalnimada aqoonsi Dowladaasi siiso Maamulka Gobolada Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland kuwasoo Sodomeeyo sano ka hor ku dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Guddida Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka ayaa la gaarsiiyay xeerkaan inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee Dowlada Mareykanka lagu qalqaaliyo aqoonsi la siiyo Somaliland.
Dadaalkaan waxaa hada wada Xildhibaan ka tirsan Kongaraska Mareykanka kaasoo gaarsiiyay mooshin arintaasi ku saabsan Guddiga arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Perry Scott islamarkaana ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa khamiistii la soo dhaaiyay gudbiyay mooshinkaan uu ku rabo in si buuxda Mareykanku u aqoonsado Somaliland.
Tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu ku soo baxay Trump waxaa soo baxayay wararka sheegaya in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu aqoonsan doono Somalilland marka si rasmi ah uu awooda dalkaasi ula wareejo sanadka cusub horaantiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM