HomeWarkiiWarsaxaafadeed laga soo saaray kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi Qaramada Midoobe...

Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi Qaramada Midoobe ka socda

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 Maamulka 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray kulan maanta Hargeysa ku dhex-maray Madaxweyne Ciiro iyo Wafdi ka socda Qaramada Midoobe.
Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL kulan muhiim ah kula yeeshay madaxa Hay’adaha Qarammada Midoobay, ahna masuulka ugu sarreeya Arrimaha Bini’aadannimada isla markaana ah Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. George Conway iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa madaxa Xafiiska UN OCHA Blaise Kabongo Mujika iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska UN-ta ee Somaliland.
Ugu horrayn, Madaxa Weftiga UN-tu, Mr. George Conway waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii taariikhiga ahayd ee uu ka soo hooyey Tartankii Doorashashada Madaxtooyada ee sannadkii 2024-ka.
Sidoo kale, Ergaygu waxa Qaranka JSL ku bogaadiyey amniga, xasiloonida, dimoqraadiyada iyo ku dhaqanka shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah, isagoo sheegay in Hay’adaha UN-tu ay sii xoojin doonaan wada shaqaynta hufan ee soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isaguna dhankiisa Ergayga kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad u leh Qaranka Somaliland, arrimahasi waxa ugu mudnaa: Nabada iyo Xasiloonida, Arrimaha Dimuqraadiyadda, Gargaarka Bini’aadannimada, dib-u-eegidda iyo dib-u-qiimaynta tirada, tayada iyo xaddiga maaliyadeed ee Mashaariicda ay Hay’adaha UN-tu ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ergayga u sheegay in Somaliland, iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalami ah, ay haddana muddo ka badan 30 sano ku guulaysatay ilaalinta nabadda, amniga, iyo dhismaha hannaan dawladnimo oo dimuqraadi ah, taasoo ah dhacdo Dhif iyo Naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika oo ah Gobol ay ku badan yihiin colaaduhu.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya u sheegay in taageerada Qaramada Midoobay ay noqoto mid ku dhisan caddaalad, Somaliland ay hesho taageerada iyo deeqaha qayb u qalanta oo ku habboon.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ku-xigeenka Kaaliyaha Ergayga Qaramada Midoobey u sheegay in Somaliland ay qabatay doorashooyin kala duwan oo daah-furan oo ku dhacay nabad ah oo lahaa heer Madaxweyne, heer Baarlamaan iyo heer deegaan ah. Sidoo kalena Somaliland ay hadda isu diyaarinayso wareegyada soo socda ee doorashooyinka, kuwaas oo la filayo in ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo waafaqsan qaab-dhismeedkayaga sharci oo ah in aanu Qaran ahaan ka gudubno Dib-u-dhaca doorashooyinka oo ah xuddunta khilaafka iyo murannada xagga siyaasadda.
Guntii iyo gaba-gabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ku-xigeenka Kaaliyaha Ergayga Qaramada Midoobay u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay UN-ta la yeelato iskaashi la isku hallayn karo, balse aanay gacmaha-hoorsan. Somaliland waxa ay diyaar u tahay wax-ka-qabashada caqabadaha culus ee ka taahan mandaqadda Geeska Afrika.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu UN-ta u sheegay in Somaliland ay u baahan tahay in aan la isku khaldin Somaliland iyo Soomaaliya. UN-tu waa in ay Somaliland ku ixtiraanto mawqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan aaya-ka-tashiga dadka iyo dalka Somaliland kaasoo ah go’aan Masiiri ah oo ay Afti Buuxda ku gaadheen Shacabka JSL.
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -