Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo madax ka socotay dalka Kenya iyo dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa ka qaybgalay xaflada abaalmarinta warbaahinta ee 2024, taas oo ay soo qabanqaabisay IGAD.
In ka badan 4,000 oo wariyeyaal iyo shaqsiyaad ka shaqeeya warbaahinta ayaa ku tartamay abaalmarinta, iyada oo wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Shiil Xasan oo muddo dheer ka soo shaqeeyay warbaahinta Soomaaliya, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ugu sarreysa ee “Lifetime Achievement Award,” taas oo lagu abaalmariyo shaqsiyaad dadaal dheer u soo galay horumarinta warbaahinta.
Shiil ayaa sheegay in guushan ay tahay mid Soomaaliya oo dhan qiimo weyn u leh, isagoo xusay awoodda sii kordheysa ee warbaahinta dalka.
Sidoo kale, Cabdirashiid Nuur Ibraahim ayaa helay abaalmarin lagu siiyay tabinta warar saameyn yeeshay oo uu ku soo tebinayay luuqadda Soomaaliga.
Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa u hambalyeeyay wariyeyaasha ku guuleystay biladaha, isaga oo ku booriyay inay sii xoojiyaan doorka warbaahinta ee nabadda iyo isku soo dhawaynta ummadda Soomaaliyeed.
Advertisement