HomeWarkiiWariye qaatay kaarka aqoonsiga Dowlada oo jir-dil iyo xabsi la isgu daray

Wariye qaatay kaarka aqoonsiga Dowlada oo jir-dil iyo xabsi la isgu daray

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ayaa sheegaya in wariye reer Puntland ah la isugu daray xarig iyo jir-dil kadib markii uu Gaalkacyo dhanka Galmudug ka soo qaatay kaarka aqoonsiga muwaadinimo Dowlada Somalia.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa la soo sheegayaa inay wariyaha qabteen kadibna jir dil iyo xarig isugu dareen madaama hore maamlka Puntland uu u mamnuucay qaadashada kaarka aqoonsiga ee Dowlada Somalia ay bixiso.

Wariyaha la xirey oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal ayaa xalay laga qabtay Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland wuxuuna ilaa iminka u xiran yahay Booliiska Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Faysal Shiikh Cali (Jifojabsade) ayaa hore u shaaciyay inaan Puntland ogoleyn qaadashada kaarka aqoonsiga ee  heer faderaal isagoona ugu hanjabay qofkii qaata in talaabana ay ka qaadi doonaan islamarkaana uu lumin doono xuquuqdiisa muwaadnimo ee Puntland.

Ururada saxaafada Puntland ayaa ka xumaaday falkaani lagula kacay wariyahaasi madaxa banaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -