Booliska Soomaaliya ayaa caawa xabsiga ka sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan Muqdisho ee wax ku qora baraha bulshada.
Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka ayaa labo habeen ka hor xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, iyadoo lagu eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalkii xiligaas ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Inkastoo habeenkaas warbixinta Booliska lagu sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda, hadana caawa ayaa si tartiib ah loo soo daayey, sida lagu shaaciyey pageka gaarka ah ee Cali Aadan.
Sidoo kale, saaxiibadiisa gaarka ah ee Weriye Cali Aadan ayaa xaqiijiyey in Xalay uu dib xoriyadiisa u helay, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.
Xarigga Weriyahaan ayaa aad loogu dhaleeceeyey dowladda, iyadoo laga eegayo dhinacyada xogta uu tebin jiray iyo culeyska ka imaanaya dhanyada Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo dowladda federaalka ku haya dagaal toos ah iyo mid qabow.
Mucaaradka ayaa bulshada u sheegay in xukunka Xasan Sheekh uu dulqaadkii ka dhamaaday, isla markaana uu bilaabay caburin, iyagoo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay tusaale u soo qaadanayeen xarigga Cali Aadan iyo dhacdooyin kale, sida xildhibaanadii loo diiiday inay Jubbaland u safraan.
Dhinaca kale, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maalmahaan bilowday dagaal toos ah oo dowladda looga qabsaday dhul hor leh, waxayna shacabku dowladda ku dhaliilayeen sababta ay Weriyaasha u caburineyso Shabaab-na isaga celi difaaci la’dahay.
Cali Aadan kiiska lagu xiray ayaa la aaminsan yahay inuu khuseeyo weerarrada Khawaarijta ee Sh/Dhexe ka socda oo aad uu wax uga qoray, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in bartiisa Facebook uu ku aflagaadeeyey madaxda qaranka.