No description available.

GAZA (DAYNIILE.COM)-Weriye Ismaciil Al-Ghoul iyo sawir qaadihiisa Rami al-Rifi oo u shaqeynayay Aljazeera TV qeybta afka carabiga ayaa lagu dilay weerar manta ay Israa’iil ku qaadday Qaza, waxaa lagu beegsaday xerada qaxootiga Shati ee galbeedka magaalada Gaza.

Advertisement

Wariyeyaashan ayaa la dilay markii baabuurkooda lagu dhuftay maanta gantaal nawaaxiga xerada qaxootiga Shati ee galbeedka magaalada Gaza, waxay u joogeen aagga si ay uga soo warbixiyaan meel u dhow guriga Ismail Haniyeh ee Qaza.

Ismaaciil Haniya ayaa noqonaya hoggaamiyihii siyaasadeed ee Xamaas ee lagu dilay saacadihii hore ee maanta caasimadda Dalka Iran ee Tehran.

Weriyaha Aljazeera Anas al-Shariif, oo ka soo warramaya Gaza, ayaa ku sugnaa cisbitaalka la keenay meydadka labadii saaxiib ee la shaqaynayey.

labada wariye ayaa xirnaa jaakadaha warbaahinta, waxaana ku qornaa calaamado lagu garto gaarigooda markii la weeraray.

Waxay markii ugu dambeysay la xiriireen Xafiiskooda wararka 15 daqiiqo ka hor inta aan la dilin

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Image

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here