QAZA (DAYNIILE.COM)-Ilaha caafimaadka ayaa TV-ga Aljazeera u sheegay in 29 qof lagu dilay Gaza subaxnimadii jimcaha iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in laba wariye oo falastiiniyiin ah ay ku jiraan dadka la dilay.

Sidoo kale, tirada dhimashada ee ka dhacday deegaanka Jenin ee Daanta Galbeed ee la heysto ayaa gaartay 7 ruux. Gardarada Israa’iil ee aagga ayaa sii socota.

Advertisement

Al Jazeera, oo soo xiganeysa Wasaaradda Caafimaadka Falastiin, ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee duulaanka Israel rto Gaza ay gaartay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay 38,011. 87,445 falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay arxandarada ay ku hayaan gumeystaha.

 

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee WAFA ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen bartamaha iyo waqooyiga Qaza subaxnimadii Sabtida (July 6).

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u billaaban doonaan toddobaadka soo socda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here