Wariyayaasha waxaa la geeyay goobihii dhawaan laga xureeyay kooxda Daacish ee buuraha Camiskaad halkasoo ay ku soo arkeena xaalada sida ay tahay iyo raadka agabyada dagaalka sida dhueysyada oo kale.
booqashadaan waxaa sidoo kale lagu muujiyay doorka muhiimka ah ee warbaahinta caalamiga ah ku leedahay soo bandhigista xaqiiqooyinka iyo guulaha ciidamada Puntland.
Madaxda wariyaaasha geysay goobaha Daacish laga qabsaday waxaa ka mida Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada C/atax Maxamed Cabdi-Nuur iyo C/risaaq Cali Siciid Shah-doon oo ah Gudoomiyaha Gobolka Barri.
Saxafiyiinta heer caalami ah ayaa ka mida kuwa doorka wanaagsan ka qaata soo bandhigida guulaha ciidamada Puntland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM
Advertisement