Muqdisho, Jimco, 2-da August 2024

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Diinta Islaamka ee Soomaaliyeed, xusayna mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culumada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Advertisement

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatey dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan Guutada Birjeex ee ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay Khawaarijta Al Shabab.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo xiray Shirweynaha 2aad ee culumada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayey midnimada culumada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo looga arinsanayey horumarka laga sameeyay barnaamijka xasilinta ee degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo muhiimmadda uu u leeyahay horumarka dalka.

9- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas Marxuum Ismaaciil Haniyaha oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

10- Shirweynihii Culumada Diinta Islaamka ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in la dedejiyo dhameystirka dhismaha Golaha Culumada Soomaaliyeed.

11- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteyn doono daryeelka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askarta ku dhimatey dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta.

12- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynaayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo shaqada.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso hawlaha xasllinta ee laga fulinaayo deegaanadda laga xoreeyey Khawaarijta.

16- Cabbaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Barlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyeey soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahayd in Ciidamadda Badda ee Turkiga loo diro Xeebaha soomaaliya si’ ay uga qeyb noqdaan dadaalada lagu sugayo badda Soomaaliya.

18- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada Baarlamanka Turkiga uu ku ansixiyay go’aan ay Dowladda Turkiga Soomaaliya ugu soo dirayaan Ciidamada Badda ee ka hawlgeli doona Xeebaha Soomaaliya.

19- Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda Xuska todobaadka Naas Nuujinta Aduunka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladaha amniga iyo nolosha ku maraya degaanno ka tirsan gobollada Hirshabeelle.

21- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa bixiyey amar lagu adkaynayo amniga Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xabsi ku xukuntey Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu helay dembi ah lacag dhaqid.

==============DHAMMAAD==========

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here