Muqdisho, Jimco, 19-ka July 2024
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayey xakameynta iyo maareynta hubka dalka soo gala.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha dalka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.
5- Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo furay aqoon is-weydaarsi ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee bahda cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.
6- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaga Dibedda ee Soomaaliya oo dhowaan geeriyooday.
7- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso mashruuc lagu tageerayo1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.
8- Wasiirka Gaashandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga, iyagii ka wadahadley xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS.
9- Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa qabatay shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ee la jaanqaadeya wax soo saarka dalagyadda beeraha.
10- Madaxweyna Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona magaalada Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.
11- Booliska oo ka warbixiyay qarax ay Khawaarijta ka geysteen maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho oo lagu beegsadey dhalinyaro aan waxba galabsan oo daawanayey ciyaar kubadda cagta ah.
12- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsaneed Khawaarijta, kuwaas oo kooxda aragagaxisadda u qaabilsaneed dilalka qorshaysan.
13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheeekh Muxyadiin ayaa isbitaalka ku booqday geesiyaasha ciidanka ee ku soo dhaawacmey dagaalka khawaarijtu dalka looga sifeynaayo.
14- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ku lagu laayay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta.
15- Ciidamada degaabka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaankaasi.
16- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen waddada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.
==============DHAMMAAD==============
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here