1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Asmara kulan kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaisas Afwerki. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey dalka markii uu soo dhameystay booqashadiisa labada maalmood ahayd
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya magaalada Asmara.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu qabtey.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefonka kula xiriiray Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi , iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Ciraaq.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo intii uu joogay Ciraaq kulamo mira dhal ah kula soo yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Jamhuuriyadda Ciraaq.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaa ku darey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda degmada Luuq.
10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarmalanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay Kalfadhigii Afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda.
11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Mudane Maxamed Cali Xaamud oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Australia.
12- Shirkadda Diyaaradaha Masar oo bilowday duulimaadyo ay isaga gooshayso Muqdisho iyo Qaahira.
13- Wasirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah furay Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed ee 2024-ka, isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga.
14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.
15- Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga KMG ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wada hadley xaaladda waxbarashada dalka iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay ee horumarinta waxbarashada.
16- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.
17- Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan amniga garoomada.
18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceel Jeedow, Ceel Tuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here