Muqdisho, Jimco, 21-ka February, 2025

1-Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo baahi weyn ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Advertisement

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay shirka 38-aad ee Midowga Afrika ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Djibouti.
4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Addis Ababa kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.

5-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo Ilaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.

7-Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmi doona 22-ka bisha Febraayo.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta.

9-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay shirka 23aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika.

10-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

11-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

12-In ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

13-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabat ee dalka Marooko kaga qayb galay furitaanka shirka 3-aad ee arrimaha dhulka ee Wadamada Carabta.

14-Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.

15- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka fulinta Hawlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya.

16- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabbilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş.

17- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Dr. Cali Xaaji aadan ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.

18- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM ,Danjire Souef Mohamed El-Amine.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Dalalka Carabta ee Hay’adda UNDP, Dr. Abdallah Al Dardari.

20- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Madaxa UNDP ee Waddamada Carabta Dr. Abdallah Al Dardari.

21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.

22- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay sawirka iyo macluumaadka horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi oo Khawaarijta u qaabilsan arurinta lacagaha baadda ah gobolka Banaadir.

23- Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa xarigga ka jartay xarunta cusub ee Hay’addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

24- Hawlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo ka dhacay degaannada Puntland ayaa lagu dilay 2 xubnood oo Khawaarijta Daacish ka tirsanaa.

25- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dardargalinta hawlaha xukuumadda.

26- Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa warqadaheeda aqoonsiga guddoonsiisay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

========DHAMMAAD=========

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here