Muqdisho, Jimco, 24-ka January, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira, iyagoo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhanka istiraatiijiyadda.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ugu qeyb-galay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, isla markaana ka jeediyay khudbad la xiriirra kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha horumarinta maalgashiga Soomaaliya.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos kulan doceedyo kula yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Libya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga , isla markaana kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka, kana wadahadley dardargelinta hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo la dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
9- Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Deg-degga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).
10- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo booqasho ku timid Somalia.
11- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka.
12- .Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Dhalinyarada & Isboortiga iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).
13- Ra’iisal Wasaare Ku-Xieegnka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga, oo sannadkan ay ka qalinjebinayaan dufcaddii 3aad tan iyo markii la aas-aasay.
14- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed oo uu weheliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka sannadlaha ee Guddiga Sare ee Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya.
15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kulamo gaar gaar ah kula yeeshay dhiggiisa dalalka Rwanda iyo Aljeeriya.
16- Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, iyaddo dowladda ay uga digtay ganacsatada, dallaalinta iyo darawallada in ay ka fogaadaan maalgelinta argagixisaddu.
17- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada New York Mr. Zénon Ngay Mukongo Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.
18- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.
19- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay fadhi ka dhacay New York oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tirsigiisuna ahaa 9841.
20- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya tababar ugu soo xiray dalka Qatar.
21- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ururrada haweenka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.
22- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa warbaahinta la wadaagey jadwalka diiwaangelinta xisbiyada .
23- Hantidhawraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka Miisaaniyada Dowladda ee 2025-ka, isagoo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sannadkan.
24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar, isagoo kala qeybgaley maamulka shirkoodii Golaha Wasiirrada.
25- Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa qabatay kulan dib u- eegis lagu sameynayo mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Jarmalka oo ay fuliyaan KfW Development Bank iyo GIZ.
26- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa kulan la yeelatey Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.
27- Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.
28- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir.
29- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa u soo xiray tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonaya Booliiska Hirshabeelle.
30- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu shaacinaayay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka.
31- Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ugu qeyb-galay shir looga hadlayay horumarinta beeraha.
32- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka.
33- Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo ganacsatada uga ka digtay la macaamilka argagixisada.
34- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal ka dhacay deegaannada Baar- dheere ee Gobalka Hiiraan ku soo qabtay gaari saanad ciidan u siday kooxda argagixisada Khawaarijta Al Shabab.
35- Taliska ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee Hawlgalka Midowga Yurub oo tababar la xiriira ilaalinta sharciyada badda ugu qabsoomay xeebaha Soomaaliya.
36- Horjooge Mirre Cagdheer iyo laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay tuulada Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud, kadib hawlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen ciidaanka deegaanka.
========DHAMMAAD=========
Advertisement