HomeWarkiiWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Soomaaliya

Muqdisho, Sabti, 22-ka Maarso, 2025
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira hoggaaminta dagaalka Hirshabeelle looga sifeynayo Khawaarijta, isagoo gaarey Degmada Cadale.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay jiidaha hore ee degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta argagixisada ah.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay hoggaanka hawlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed kalana hadley xoojinta weerarada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) oo ka mid ahaa La-taliyeyaasha madaxtooyada.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyay kulan deg-deg ah oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dalka ka socda.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee, marxuum Cabdullaahi Jaamac Barre (Cascasey).
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) iyo Wasiirkii hore Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
13- Wasaaradda Warfaafinta iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka oo ka wada hadlay Wacyigalinta Doorashooyinka.
14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbiya, Marko Djuric. iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.
15- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Muqdisho ka sagootiyey ciidamo booliiska ka tirsan oo ku biiraya furimaha dagaalka looga soo horjeedo Khawaariijta.
16- Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ballaaran oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
17- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in hawlgalo laga fuliyay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.
18- Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ku biiray jiidaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
19- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo sheegay in weerar dhanka cirka ah oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay 120 ka tirsan Khawaarijta ,sidoo kalana lagu burburiyey labo xarun oo ay ku sameyn jireen tababarada, qaraxyada iyo guriga horjooge Xasan Yacquub.
20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal dhanka cirka ah ka fuliyay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ku dilay 9 horjooge iyo maleeshiyaadkii la socday oo ka tirsan Khawaarijta.
21- Duqeymo xooggan oo mar kale lagu qaadey degmada Jilib 21 Maarso, halkaasina khasaare ballaaran loogu geystey xubnaha sare ee Khawaarijta.
22- Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hirshabeelle.
23- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Ilyas Cali Xasan ayaa dalka Zimbabwe uga qeybgalay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga dalalkan xubnaha ka ah urur goboleedyada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Afrikada Koonfureed (SADC).
24- Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qabtey dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaay “Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya mar kale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”.
25- Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta kuwaas oo awoodooda sii wiiqmeyso.
26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriga ah ee isku xiraya loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.
27- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaas oo la gaarsiiyay gargaar xoog leh.
28- Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
29- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay xubnihii ka shaqeeyey diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029.
30- Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal milatari ku beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
31- Hay’adda SoDMA ayaa deegaanka Xaaji Cali gaarsiisay 10 gaari oo siday shixnado gargaar ah oo loogu talagalay shacabkii khawaarijta ka soo barakicisay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe .
32- Dhallinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan lagu taageerayay Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
33- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
34- Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo milatari oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ku teedsan Sinadhaqo, Labi-Dulle iyo Dhabanna Dhulkuheys ee gobolka Galgaduud.
35- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo loogu talagaley in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.
36- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
37- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in kaarka aqoonsiga dadweynaha uu yahay xaq muwaadinka leeyahay.
38- Hawlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan macawiisleyda gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka fuliyeen deegaanka Gal-haruur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa lagu dilay labo dhagarqabe oo Khawaarij ah iyadoo laga soo furtay labo qori AK-47 ah iyo mooto Fekon ay wateen.
39- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyed ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabayaal doonayay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.
========DHAMMAAD=========
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -