Muqdisho, Jimco, 7-da June 2024
1- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatey mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran u soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo ceshatey maqaamkii ay ku lahayd caalamka.
3- Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wadahadley xiriirka labad dal iyo arrimaha gobolka.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kaga qeyb galay Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa xusay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimilada sii kululaanaysa.
6- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ku-Simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka
10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamannada waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.
11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka dhacay Beijing , wuxuuna sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha ka jira suuqyada Soomaaliya.
12- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley fadhiga guud ee 78aad ee Qaramada Midoobay.
13- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.
14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kulan ku saabsan mashaariicda laga fuliyo Soomaaliya la yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.
15- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.
16- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler.
17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Mrs. Doreen Bogdan-Martin oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.
18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo looga hadlayey saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.
19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada.
20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin, ayaa si’ wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada Xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.
21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyagoo ka wadahadley dardargalinta mashaariicda aadminimo eel aga hirgelinato Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax dhigey waddo laami ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.
23- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Khawaarijta Al Shabaa boo doonayay inay lacago baad ah siiyaan kooxaha argagixisada.
24- Saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
25- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah ugu soo dhammaadey dalka Turkiga.
26- Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey Muqdisho, waxaana shirkaas lagu lafaguray sharciyada hantidhawr ee labada heer.
==============DHAMMAAD==============
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here